Attorney General Office - Jubaland

xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland oo ka qabsoomay kulan loga hadlayay Arimaha Xabsiyada...

xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland oo ka qabsoomay kulan loga hadlayay Arimaha Xabsiyada...

Published on July 11, 2025
? Kismaayo | 07 Luuliyo 2025\r\nMaanta waxaa xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland ka qabsoomay kulan muhiim ah oo looga hadlayay xaalada maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Kismaayo.\r\nKulanka waxaa soo qabanqaabiyay Xeer-ilaaliyaha Guud Avv. Nuuradiin Maxamed Khalif, waxaana ka soo qeybgalay:\r\n? Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida\r\n? Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Jubada Hoose\r\n? Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Kismaayo\r\n? Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland\r\n? Agaasimaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland\r\nKulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo hufnaanta, ilaalinta xuquuqda maxaabiista, iyo tayaynta nidaamka cadaaladda ee Jubbaland.\r\nXafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha\r\n? Email: communication@agojubaland.so\r\n? Website: www.agojubaland.so